This site will look much better in a browser that supports web standards, but it is accessible to any browser or Internet device.

Tusaha Dacwada Saxda ah
Waxa guddigu qabto
Guddiga U-sinaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanuhu, waa urur madax banaan oo baara waxna ka qabta dacwooyinka midab kala sooca iyo jebinta xuquuqda aadanaha ee Dawlada Dhexe gasho xaalladaha qaarkood. Guddigu wuxuu wax u qabtaa si dhexdhexaada mana u doodayo dhinacna kuwa dacwada isku haya. Tusahani waxaa laga yaabaa inuu ku caawimo haddaad doonayso inaad dacwad qadinto.
Guddigu wuxuu maamulaa sharci shan sharci oo kala duwan. Sharciyadaasina waa:
Jinsiyada
Xeerka Takoorida Jinsiyada ee 1975 wuxuu ka dhigaa wax sharciga ka soo horjeeda in laguula dhaqmo si hoosaysa jinsiyadaada, midabkaaga, meeshaad ka soo jeedo ama qaran ama qawmiyad ahaan darteed, dhinacyada shaqada iyo bixinta adeegyada iyo badeecada. Sharcigu wuxuu kaloo mamnuucaa nacaybka jinsiyadeed. Taasi waxay dhacdaa marka qof ku kaco, yiraahdo ama u daabaco si la wada ogsoon yahay taasi oo u badan inay u gafto, meel kaga dhacdo ama ku geliso cabsi jinsiyadaada, qaran ama qawmiyadaada darteed.
Sinjiga
Xeerka Takoorida Sinjiga ee 1984 wuxuu ka dhigaa sharci daro in qof loola dhaqmo si hoosaysa sinjiyadiisa, xaalka guur ama uurka darteed, ama xaalladaha nolosha guud qaar ka mid ah, sida shaqada iyo bixinta adeegyada iyo badeecada. Sidoo kale waa sharci daro in shaqada laga eryo masuuliyada qoyska darteed. Sharcigu wuxuu kaloo mamnuucaa ku faraxumaynta goobta shaqada. Faraxumayntu maaha wax la soo dhowaynayo waa wax qof kasta oo macquul ahi u arko gaf, cay ama handadaad.
Iinta
Xeerka Takoorida Iinta ee 1992 wuxuu ka dhigaa sharci daro in qof iin leh loola dhaqmo si hoosaysa marka loo fiiriyo qof aan iin lahayn xaalladaha guud, sida shaqada, waxbarashada, gelida dhismo iyo bixinta adeegyada iyo badeecadaha. Iinta waxaa loo sharxaa si guud waxaana ka mid ah mid jireed iyo iimaha shucuureed iyo jiritaanka cudur jirku sido.
Sharcigu wuxuu kaloo khuseeyaa iin aad hadda qabto, aad horay u qabtay, kugu dhici karta mustqabilka ama la aamisan yahay inaad qabto. Waxay kaloo khusaysaa qalabka, caawimada ama xayawaan la tababaray oo aad leedahay iintaada darteed.
Da’da
Xeerka Takoorida da’da ee 2004 wuxuu sharci daro ka dhigaa in si hoosaysa loola dhaqmo qof da’diisa darteed xaalladaha guud, sida shaqada, bixinta badeecada, adeegyada ama tas-hiilaadka, deegaanka, waxbarashada iyo maamulka sharciyada Dawlada Dhexe iyo barnaamijyada.
Qaar ka mid ah xaalladaha guud ayaa laga reebay Xeerka sida superannuation-ka, immigrayshanka, taksayshanka, mushaharka dhalinyarada iyo sharciyada dawlad goboleedka. Sidoo kale sharci daro maaha in la siiyo faaiido da’gaara taas oo looga jeedo baahi ka timid da’da kooxda.
Xuquuqda Aadanaha iyo Shaqada
Xeerka Guddiga Usinaanta iyo Xuquuqda Aadanaha ee 1986 wuxu khuseeya laba nooc oo dacwa ah. Midda hore waxay la xiriirtaa jebinta xuquuqda aadanaha ay gasho ama samayso Dawlada Dhexe ee Australia. Xuquuqda Aadanaha waxaa lagu qeexaa sida loogu sheegay cahdiyo caalami ah iyo baaqyo lagu xusay ama lagu sheegay xeerkaan, sida Cahdiga caalamiga ah ee Xuquuqda siyaasadeed iyo midda Madaniga ah ee Xuquuqda Ilmaha.
Dacwada labaad waa si xun ugula dhaqmida shaqada dhexdeeda iyo mihnada taas oo ku salaysan diinta, fikrad siyaasadeed, asalka bulsho, da’da, diiwaanka dembiga, nooca galmada ee qofku ka hello ama dhaqdhaqaaqyada ururada shaqaalaha.
Ka reebid, ka saarid iyo difaacyo
Dhamaan sharciyada kor ku magacaaban waxay leeyihiin ka reebid iyo ka saarid maadaama si xun ula dhaqanku aanu noqonayn sharci daro. Waxaa kaloo jira difaacyo ay helli karaan isdifaacayaashu.
Dacwa samaynta
Guddigu wuxuu bixiyaa adeeg dacwo oo lacag laáana. Waxaad la xiriiri kartaa guddiga wixii talo iyo caawima ah ama ku xadgudbida xuquuqdaada aadanimo.
Ma jirto baahi aad u qabto inaad hesho wakiil sharciyeed. Goáanka in garyaqaan la hello waxay ku xiran tahay qaybaha is haya. Si kasta ha ahaatee, waxaa waajib kugu ah inaad ogaato in guddigu aanay bixin kaalmo dhaqaale oo lagaaga matalo sharciga.
Dacwooyin badan ayaa ka bilawda telefoon loo diro guddiga. Sarkaalka macluumaadka dacwooyinka ayaa ku caawimi doona si goáan looga gaaro in dacwadaada ay qaban karaan guddigu iyo in kale. Hadday sidaas tahay, waxaa lagugula talin doonaa talaabada ku xigta oo aad qaadayso. Guddigu waxay leeyihiin. Habka loogu talagalay dadka indhaha la’ iyo adeega tarjumida ayaa lagu helli doonaa tarjumada telefoonka.
U qadimida Dacwada Guddiga
Marka laga saaro xaalladaha qaarkood, dhamaan dacwooyinku waa inay ahaadaan qoraal. Taas waxaa lagu qori karaa foom (marka lagu daro emailka) iyo luqad kasta oo kale. Guddigu waxay hayaan foomamka dacwada. Inaad isticmaasho foomka waa muhiim sababtoo ah wuxuu sharxaa dhamaan macluumaadka aad u baahan tahay oo dhan markaad dacwada samaynayso. Waxaa waajib kugu ah inaad u dirto dacwadaada:
The Director – Complaint Handling
Human Rights and Equal Opportunity Commission
GPO Box 5218
Sydney NSW 2001
Sida wax looga qabanayo dacwadaada
Dacwooyinka siday u socdaan waa isbedbeddeshaa, laakiin guud ahaan dacwooyinka badankood waxaa wax looga qabtaa sida soo socota.
Dhamaan dacwooyinka soo gaaray guddiga waxaa baara Agaasimaha, Dacwa Qabashada.
Guddiga shaqaalaha waxaa laga yaabaa inay kula xiriiraan. Markaas ka dib (haddii la goáansado in dacwadaadu u baahan tahay baaritaan), Guddigu waxay u diri doonaan dacwada qofka dacwada loo haysto (qofka ama ururka dacwada loo qortay) waxayna siin doonaan koobiga dacwadaada waxayna weydiisan doonaan dacwadaada inay wax ka yiraahdaan iyagoo weydiinaya suáallo. Jawaab-celiyuhu wuxuu haystaa 21 berri oo uu uga jawaabo suáallaha Guddiga. Waxaa badanaa lagu siin doonaa koobiga jawaabta.
Ka dib marka la dhameeyo baaritaanka iyo macluumaadka kale ee khuseeya, guddoomiyuhu wuxuu goáansan doonaa:
Wada hadalku wuxuu dhacaa marka Guddiga, qofka dacwoonaya iyo qofka laga dacwoonayaa wadajir u shaqeeyaan si ay u hellaan xal ay qaybuhu isku raaci karaan. Geedi socodku wuxuu siiyaa in labada qayboodba ay soo qadimaan dacwada dhinacooda ah iyagoo aan aadin maxkamada, ayna ku dhamaystaan hab wada-xaajood ah oo labada dhinac ku heshiin karaan.
Heshiiska waxaa lagu dhamayn karaa iyadoo shakhsi ahaan, qoraal, ama telefoon lagu wada hadlayo.
Sababaha lagu joojiyo dacwada
Haddii dacwada aan lagu dhamayn si wada hadal ah Guddoomiyuhu wuxuu joojin doonaa dacwada.
Guddoomiyuhu waxaa laga yaabaa inuu joojiyo dacwada dhowr sababood oo kale darteed, kuwaas oo ay ka mid yihiin inuu ku qanacsan yahay in:
Marka dacwadu hoos timaada Xeerka Takoorida Jinsiyada ee 1975, Xeerka Takoorida Sinjiga ee 1984, Xeerka Takoorida Iinta ee 1992, ama Xeerka Takoorida Da’da 2004 la joojiyo, Guddoomiyuhu wuxuu bixin doonaa ‘Ogeysiiska Joojinta’. Taasi waxay kuu ogolaanaysaa inaad soo xerayso dalab Maxkamda Federaalka ee Australia ah si loo dhegaysto goáana looga gaaro. Guddigu ma caawimi karaan inay wadaan maxkamadaada. Waa inaad ogaataa haddii aadan guulaysan waxaa laga yaaba inaad bixiso kharajka dadka kaleeto.
Haddii arrintu khusayso Xeerka Guddiga U-sinaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha ee 1986 wixii ku saabsan jebinta xuquuqda aadanaha ama takoorida shaqada iyo mihnada, Guddoomiyuhu waxaa laga yaabaa inuu ka cudur daarto inuu sii wado baaritaankiisa waxyaalla la mid ah kuwa kor ku xusan dartood. Si kasta ha ahaatee, ma jirto talaabo maxkamadeed oo waafaqsan Xeerkaan. Haddii Guddoomiyuhu goáansado in la jebiyey xuquuqda aadanaha ama takoorida, waxaa waajiba inuu warbixin u gudbiyo xuquuqda Xeer ilaaliyaha Guud waxaana laga yaabaa inuu xaliyo xaallada. Sidaas darteed waa in Xeer ilaaliyaha guud u qadimaa warbixintaan baarlamaanka.
Sida loola xiriiro Guddiga
Fadlan ku dir dhamaan warqadaha:
Director – Complaints Handling
Human Rights and Equal Opportunity Commission
Level 8, 133 Castlereagh Street
Sydney, ÃÃÃâÃÆÃÆÃÂ