This site will look much better in a browser that supports web standards, but it is accessible to any browser or Internet device.

Guddiga U-sinaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanuhu waxay u shaqaynayaan in mujtamaca Australian ay ahaadaan kuwa ilaaliya, ixtiraama, dhiirigeliya xuquuqda aadanaha |
|||||||||||||||||||||||||||||||
| Yaanu nahay
Guddiga U-sinaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha waxaa la asaasay 1986 waxaana lagu asaasay xeer ka yimid Baarlamaanka Dawlada Dhexe. Waxaanu nahay urur-sharciyeed madax banaan oo awood leh waxaanuna warbixinta u gudbinaa Baarlamaanka Federaalka iyadoo la sii marinayo Xeer Ilaaliyaha guud. Qaabka aan u dhisanahayGuddigu waa hayád madaxbanaan oo ka kooban Guddoomiye iyo shan xubnood. Shanta xubnood waxaa hadda haya saddex qof.
The Hon John von Doussa QC Pru Goward Mr Tom Calma Mr Graeme Innes AM Masuuliyada Guddiga waxaa ka mid ah:
Waxaan samaynaa sidaan:
Xuquuqda aadanuhu waa isku mid dhamaan dadka – rag iyo dumar, qof yar iyo qof weyn, taajir iyo fiqiir, kumana xirna dadku halka ay ka yimaadeen, meeshay ku nool yihiin, waxay filayaan ama waxay aaminsan yihiin. Midaan ayaana ka dhigtay xuquuqda aadanah ‘caalami”. Ixtiraamida xuquuqda aadanaha ayaa caawinta dhismaha bulshooyin xoogan, kuwaas oo ku salaysan sinaan iyo dulqaad, taas oo qof walbaa leeyahay door uu qaato. Dabcan, in dad ixtiraamaan xuquuqdeena waxay keentaa masuuliyada ah in aan ixtiraamno xuquuqda kuwa kale. Waa maxay Takooridu?Takooridu waxay dhacdaa marka qof, ama koox dad ah, loola dhaqmo si ka hoosaysa kuwa kale kuna salaysan da’, jinsiyad, midab, qawmiyad, sinji, uur, ama xaallad guur; iin, diin, galmoodka qofku ka hello, ama waxyaalla kale oo muhiima. Takooridu waxay dhacdaa marka qof loo diido fursada looga qaybgelayo si xor ah oo buuxda xarakaadyada maalmeed. Waxaa ka mid noqon kara hagardaamaynta iyo ku dhaleecaynta goobta shaqo iyo in aanu hellin xuquuqda inuu geli karo sar ama tas-hiilaad; in laguu diido badeecada iyo adeegyada; adayga in la hello shaqada ku haboon iyo gurisiinta; ama inaad u awoodo inaad ka qaybgasho ururada shaqooyinka ilaaliya. SharcigaGuddiga soo socdaa waxay masuul ka yihiin maamulida sharciga federaalka:
Guddigu waxay iyaguna leeyihiin masuuliyaad sida waafaqsan:
Xeerka U-sinaanta Xuquuqda Aadanaha ee 1986 (The Human Rights and Equal Opportunity Commission Act 1986) wuxuu siiyaa guddiga masuuliyada wixii la xiriira sidii wax looga qaban lahaa wixii ay Australia ansixisay: Heshiisyada Caalamiga oo Madaniga ah iyo xuquuqda Siyaasada (ICCPR), Heshiisyada Khuseeya Takoorida Dhinacyada Shaqada iyo Mihnada (ILO 111), Heshiiska Xuquuqda Ilmaha; Baaqa Xuquuqda Ilmaha; Baaqa Xuquuqda Qofka Iinta leh; ciribtirida dhamaan Qaababka U-dulqaadasho laáanta iyo Takoorida ku salaysan Diinta iyo Caqiiqadada. DacwooyinkaXeerka Takoorida Da’da, Xeerka Takoorida Iinta, iyo Xeerka Takoorida Sinjigu waxay dhamaantood ku salaysan yihiin cahdiyada xuquuqda aadanaha ee Australia gashay iyo heshiisyaday ansixisay. Sharciyadaani waxay ka xafidaan in la takooro ama in lagu hagardaameeyo goobaha shaqada iyo nolosha guud ee kale, iyadoo ku salaysan da’dooda, sinsijiyadooda, midabkooda meeshay ka soo jeedaan ama wadankooda ama asalka qawmiyadooda, uurka, xaalka guurka ama iinta. Dadku waxay u gudbin karaan Guddiga dacwooyinka la xiriira takoorida. Dacwada marka ugu horreeya way qiimaynayaan si loon xaqiijiyo in la baari karo sharci ahaan sida waafqsan sharciga guddigu masuulka ka yahay. Dabadeed dacwada dib ayaa loo eegaa haddii ay dhexdhexaadin ku haboon tahay ama haddii la iska tuuri lahaa. Heshiisku waa hab ay guddigu isugu keenaan qaybaha – qofka dacwada samaynaya iyo qofka ama ururka ay dacwadu ka soo horjeedo – si loo xaliyo arrinta. Heshiisiintu waa hab qarsoodi ah kaas oo labada dhinacba lagu siinayo fursada lagala hadlo arrimaha goáana looga gaaro. Dacwooyin badan ayaa si wanaagsan lo dhameeyaa. Haddii dacwad aan wax laga qaban karin, Guddoomiyaha ayaa xiraya dacwadaas. Qofka dacwada wata ayaa arrinta Maxkamada Federaalka Australia geyn kara ama Adeega Maxkmada Magistrate-ka si goáan looga gaaro. Guddigu waxay kaloo baaraan dacwada takoorida xagga shaqada, iyo jebinta xuquuqda Aadanaha iyo Xeerka Guddiga U-sinaanta Fursada. Sharcigu wuxuu daboollaa:
Dacwooyinka ku yimid sida waafaqsan Xeerkaan ayaa iyadana lagu xalin karaa wada hadal u dhexeeya qaybaha is haya. Haddii dacwada aan la dhamayn karin, oo aanay u joogsan sababa kale oo sharciga lagu xusay, guddiga ayaa markaas ka dib u gudbin doonaa warbixin Baarlamaanka Federaalka isagoo ku nuuxnuuxsanaya arrimaha ugu waaweyn iyo wixii talo ah oo lagau xalinayo dacwada. Dacwooyinkaasi ma ay laha waxyaalla sharci ahaan lagu meelmarin karo. WaxbarashoMid ka mid ah hawlaha asalka u ah Guddigu waa inay dadka la socodsiiyaan wixii ku saabsan xuquuqda aadanaha Australia gudaheeda – laga bilaabo dugsiyada, ganacsiga, warshadaha, kooxaha bulshada ilaa dawlada. dadaalkaas waxaa ku jira kor u qaadida ogaanshaha dadku ogyihiin xuquuqdooda iyo masuuliyadooda sida waafaqsan sharciyada lidka-takoorida ee dawlada federaalka ah. Fariinta ugu weyn ee dhamaan barnaamijyadeeda waxbarashadu waa ciribtirida takoorida iyo hagardaamada waxayna muhiim u tahay in la xaqiijiyo bulsho siman oo dulqaad leh, taas oo dhamaan dadka Australianka ahi ku raaxaysan karaan xuquuqdooda. Si loo gaaro dadka ugu badan oo la gaari karo, guddigu:
Guddoomiyaha iyo xubnuhu waxay hawlgeliyaan mar kasta oo ay suurtagal tahay warbaahinta, si kor loogu qaado loogana doodo xuquuqda aadanaha muhiimka ah iyo arrimaha takoorida. Guddigu wuxuu leeyahay websayt si sahala loo isticmaali karo kuwaas oo ay ku jiraan macluumaad iyo xogaha shakhsiyaadka, dugsiyada, loo shaqeeyaha iyo kooxaha bulshada. Waxaanu kaloo leenahay qoraalla badan oo xul ah. Halka laga galo websaytka Guddiga U-sinaanta Fursadaha iyo Xuquuqda Aadanaha (HREOC) oo ah: http://www.humanrights.gov.au Faahfaahinta meelaha lagala xiriiri karo iyo macluumaad intaas ka badan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||